Trump oo booqday magaalada rabshadaha ka dhaceen ee Kenosha

Published: September 2, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho kormeer ah ku tagay magaalada Kenosha ee gobalka Wisconsin oo ay habeenadii lasoo dhaafay ka dhacayeen banaanbaxyada rabshadaha wata oo ay shacabka uga soo horjeedeen toogasho ay booliiska magaaladaasi u geysteen nin madow ah.

Maamulka gobalka Wisconsin iyo magaalada Kenosha ayaa horey uga codsaday Madaxweynaha Maraykanka inuusan xiligan goobtaasi imaan iyagoo ka cabsi qaba in booqashadiisa ay sii kiciso xaalada, walow uu Trump ka dhego adeegay codsigaasi.

Trump oo xiligan ku jira ololihiisa doorashada ayaa booqday qaar kamid ah goobihii lagu burburiyey rabshadihii magaaladaasi ka dhacay, isagoo ku goodiyey in dowladiisa ay gacan adag ku qaban doonto dadka rabshadaha dhigaya oo uu ku tilmaamay argagaxiso.

Hase yeeshee Trump ayaan soo hadal qaadin sababta ay shacabka u mudaharaadayaan iyo falalka cunsurinimada ah ee lagu eedeenayo booliiska & taageerayaashiisa.

Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ayaa ku eedeeyey Trump inuu dab ku shidayo xiisadaha ka taagan gudaha Maraykanka si markale xilka loogu doorto, halka Trump uu ku eedeeyey dimuquraadiga inay ka danbeeyaan kooxaha rabshada wada si khal khal loo geliyo amniga dalkaasi.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *