Trump oo laga duubay cod sir ah isagoo cadaadinaya maamulka Georgia – Dhageyso

Published: January 4, 2021

Waxaa la shaaciyey cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha Maraykanka ee wakhtigiisa sii dhamaanayo Donald Trump oo ku cadaadiyey xoghayaha Maamulka Georgia State inay wax ka bedalaan natiijadii doorashadii looga guuleystay Trump.

Inkastoo ay dhamaatay dib u tirinta cododka, isla markaana fashileen dacwadihii Xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey Maxkamadaha oo ka badnaa 60 dacwadood oo kala duwan, hadana Trump ayaa weli ku mashquulsan siduu xilka ku sii heysan lahaa.

Codka sirta ah ee la duubay ayaa la maqlayey Trump oo xoghayaha Georgia Brad Raffensperger oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga ku cadaadinaya inay bedalaan natiijadii doorashadii dhacday 3dii November.

Arbacada soo socota ee 6da Janaayo ayaa lagu wadaa in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka ansixiyo natiijooyinka doorashada oo ay soo gudbiyeen Dowlad Gobaleedyada Maraykanka, wuxuuna sharciga dhigayaa in xilka uu la wareego Madaxweynaha la doortay Joe Biden 20ka bishan Janaayo.

Hoos ka dhageyso codka Trump laga duubay:

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *