Turkiga iyo Masar oo sare u qaadaya xiriirkooda Ganacsi

Published: February 15, 2024

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo safar ku tagay dalka Masar ayaa sheegay in wadankiisa sare u qaadi doono ganacsiga kala dhaxeeya Masar oo ay ku maalgelin doonaan dhaqaale gaaraya $15 bilyan oo dollar.

Erdogan iyo Sisi ayaa si wadajir ah ugu baaqay in xabad joojin laga dhaqan geliyo deegaanka Gaza oo ay Israel ka wado dagaalka, iyagoo sheegay inay iska kaashan doonaan dib u dhiska dhulkaasi marka uu dagaalka dhamaado.

Xiriirka Turkiga iyo Masar ayaa la jaray sanadkii 2013 kadib markii xukunka laga tuuray xukuumadii shacabka doortay ee Maxamed Morsi, balse xiriirka labada dhinac ayaa soo hagaagayey tan iyo sanadkii 2022 kadib markii ay labada hogaamiye ku kulmeen shirarka caalamiga ah ee ka dhacay Qatar iyo Sacuudiga.

Horseed Media