Turkiga oo 33 askari looga dilay Idlib & Ankara oo hanjabaad u dirtay Siiriya, Ruushka iyo EU-da

Published: February 28, 2020

Dowlada Turkiga ayaa xaqiijisay in 33 askari looga dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay habeenimadii Khamiista ciidamada dowlada Siiriya la beegsadeen gobalka Idlib ee waqooyi-bari wadanka Siiriya.

Ciidamada Siiriya oo ay wehliyaan kuwa Ruushka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xoojiyey weerarka ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin mucaaridka hubeysan oo gacanta ku haya inta badan gobalka Idlib, gobalkaasi ayey sidoo kale ku sugan yihiin ciidamada Turkida.

Waa khasaarihii ugu weynaa oo ciidamada Turkiga kasoo gaaray dagaalka Siiriya tan iyo markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen Siiriya sanadkii 2016.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa saaka oo Jimce ah shir deg deg ah isugu yeeray golaha Wasiirada iyo taliyayaasha ciidamada, waxayna Turkida sheegeen inay jawaab cad siin doonaan ciidamada Siiriya.

Turkiga oo fariin adag u diray EU-da

Dowlada Turkiga oo ka careysan in dalalka Midowga Yurub wax ka qaban waayeen xaalada dalka Siiriya ayaa ku hanjabtay in si deg deg ah loogu fasixi doono dhamaan qaxootiga hada ku sugan wadanka Turkiga inay u gudbaan dalalka Yurub.

Qaar kamid ah warbaahinta Turkida ayaa maanta baahiyey in booliiska iyo ciidamada badda Turkiga amar lagu siiyey inaysan joojin karin qaxootiga dhexmaraya wadanka Turkiga ee kusii jeeda wadamada Yurub.

Isbaheysiga NATO oo uu dalka Turkiga ka tirsan yahay ayaa lagu wadaa inay maanta kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada kasoo cusboonaatay Siiriya.

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyey ee kasoo baxaya gobalka Idlib ayaa sheegaya in ciidamada Turkiga iyo xoogaga mucaaridka Siiriya oo is kaashanaya inay weerar ku qaadeen qaar kamid ah fariisimaha ciidamada Siiriya.

Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa laga yaabaa inay xirto wadada ay maraan Maraakiibta dagaalka Ruushka ee ka imaanaya bada madaw ee kusoo jeeda xeebaha dalka Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *