Turkiga oo Agab Caafimaad Gaarsiiyay Muqdisho iyo Hargaysa

Published: April 17, 2020

Dowladda Turkiga ayaa agab loogu talagalay ka hortagga COVID-19 gaarsiisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa

Shixnnadda deeqda aha waxaa siday Diyaarad milateri oo ay leedahay dowladda Turkiga taasi oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda bisha cas ee Turkiga waxa ay agabkii ku wareejiyeen madax ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, si loogu isticmaalo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Dhinaca kale, Hay’adda Turkiga u qaabilsan Kaalmooyinka ee TIKA ayaa agab nadaafadda lagaga shaqeeyo ay gaar siisay 12 cisbitaal oo Dawladda Somaliland leedahay iyo lix Cisbitaal oo kumeel gaadh ah.

Waxa ay Hay’adda TIKA ku wareejisay Somaliland 2,400 oo litir oo Alkool ah iyo 4,800 oo litir oo ah dawooyin dareere ah ee dila bakteeriyada, waxana agabka ka guddoomay Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdi, oo sheegay in kaalmadani ay ku soo beegantay xilli adag,waxaanu tilmaamay inay wax ka tiri doonto hawlaha lagula tacaalayo Fayraska Corona.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *