Turkiga oo dhoolatus militari sameenaya iyo Masar & Giriiga oo dhaq-dhaqaaq wada

Published: August 28, 2020

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in asbuuca soo socda ay Dhoolatus militari ku sameyn doonto bariga badda dhexe ee Mediterranean-ka, xili ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa dalkaasi iyo Giriiga.

Turkida ayaa sheegay inay sii balaarin doonaan hawlaha sahminta Gaaska iyo Batroolka ee bariga badda dhexe (Mediterranean) oo ay isku heystaan wadanka Giriiga.

Dhinaca kale Baarlamaanka Giriiga ayaa shalay ansixiyey heshiis khayraad-qeybsi ah oo ay wada saxiixdeen dalka Masar oo kamid ah wadamada sheeganaya bariga badda dhexe.

Heshiiskan Giriiga iyo Masar ayaa qoraya in labada dal ay qeybsadaan khayraadka badda isla markaana kordhinaya xaduudaha badda ee labadaasi dal wadagaan si meesha looga saaro sheegashada Turkiga.

Giriiga ayaa heshiis kale oo noocaan ah la galay wadanka Talyaaniga.

Raysalwasaaraha Giriiga Mitsotakis, ayaa Baarlamaanka dalkiisa u sheegay in ay xukuumadiisa diyaarineyso sharci cusub oo kordhineysa xaduuda badda wadankaasi Giriiga oo ay doonayaan inay ku daraan 22km oo dheeraad ah.

Turkiga ayaa sanadkii hore 2019 heshiis la galay dowlada Liibiya kaasi oo isaguna ahaa iskaashiga dhanka sahminta khayraadka ku jira badda u dhaxeysa labadaasi wadan oo ay sidoo kale sheeganayaan dalal badan.

Xiisada ka dhex taagan wadamada Turkiga iyo Giriiga oo horey arrimo badan isugu heystay ayaa hada maraya meeshii ugu xumeyd, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadaasi isu rogto dagaal dhexmara labadan dal oo kamid ah xubnaha isbaheysiga NATO.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *