Uganda: Dad ku dhintay rabshado ka dhashay xariga Hogaamiyaha Mucaaridka

Published: November 19, 2020

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, 38 qofna waa ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay qeybo kamid ah magaalada caasimada ee Kambala kadib markii ay shalay booliiska markale xabsiga u taxaabeen hogaamiyaha mucaaridka Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan (Bobi Wine).

Bobi Wine oo ah 38 sano jir fanaan ahaan jiray oo isu bedalay siyaasi xilka Madaxweynaha kula tartamaya Yuweri Museveni ayaa la sheegay in lagu xiray magaalada Jinja ee bariga dalkaasi Ugandha.

Booliiska ayaa hogaamiyahan taageerada badan leh xiray iyagoo ku dooday in murashaxa uu jabiyey sharuucda ka yaal ka hortaga Covid19 oo qeexaya in xafladaha u qabanayo aysan ka qeyb geli karin dad ka badan 200 qof.

Taageerayaasha Bobi Wine ayaa banaanbaxyo rabshado wata ka bilaabay magaalada Caasimada ah kadib markii ay maqleen xariga hogaamiyahooda, ciidamada amaanka ayaa iyaguna dhankooda awood u adeegsaday dadka mudaharaadayey.

Maaha markii ugu horeysay oo Bobi Wine xabsiga la dhigo, waxaana marar badan sidan loo xiray kahor intuusan ku dhawaaqin inuu murashax yahay, waxaa sidoo kale la xiray maalintii uu ku dhawaaqay ololihiisa doorashada.

Xisbi Xaakimka Uganda ee uu hogaamiyo Madaxweyne Yuweri Museveni oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo sanadkii 1986dii, ayaa walaac ka qaba taageerada uu hogaamiyahaasi ku yeeshay dalka gaar ahaan taageerada uu ka heysto dhalinyarada iyadoona hada muuqato inay xooga saareen carqaladeynta ololihiisa doorashada.

Doorashada Uganda oo la qorsheeyey inay dhacdo 14ka bisha Janaayo ee sanadka cusub 2021, ayaa waxaa xilka Madaxweynaha u tartamaya 11 murashax, waxaa sidoo kale doorashadaasi lagu soo dooran doonaa Baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *