Ugu yaraan 49 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay, 140 kalena waa lagu la’yahay xeebaha Yemen, sida ay sheegtay IOM

Published: June 11, 2024

Ugu yaraan 49 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 140 kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay Salaasadii.

Markabkan oo ka ambabaxay dalka Soomaaliya ayaa waxaa la socday 260-qof oo tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Goor sii horeysay, sarkaal Yemeni ah ayaa sheegay ugu yaraan 38 qof oo dhintay.

Doonta ayaa Isniintii ku degtay meel u dhow Alghareef Point ee gobolka Shabwah ee dalka Yemen. Dadka dhintay waxaa ku jiray 31 haween ah iyo lix carruur ah, sida ay sheegtay IOM.

“Masiibadan dhawaan dhacday waa mid kale oo xasuusinaysa baahida degdega ah ee loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha degdega ah ee socdaalka iyo in la sugo ammaanka iyo badbaadada dadka muhaajiriinta ah ee mara waddooyinka socdaalka,” ayuu yiri Mohammedali Abunajela, oo ah afhayeenka IOM.

Hay’adda IOM oo maamusha tirada dadka tahriibayaasha ah ee lagu dilo ama lagu waayo waddooyinka tahriibka, ayaa tan iyo sannadkii 2014-kii diiwaan gelisay 1,860 tahriibayaal ah oo ku dhintay, laguna la’yahay marinka ay isaga kala gooshayaan Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee u socda dalalka Khaliijka.

Horseed Media