Ugu yaraan 530 weriye ayaa xabsiyada lagu hayaa sida ay sheegtey warbixinta RSF

Published: December 14, 2022

Wariyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn ayaa sheegay in ay si aad ah kor ugu kacdey tirada saxafiyiinta ah ee lagu xiro caalamka

Warbixin sanadeedkii ugu dambeeyay ee ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn (Reporters without borders) ayaa sawir xun ka bixinaya xaalada saxafiyiinta aduunka ee maanta.

In ka badan 530 saxafiyiin ah ayaa ku xiran adduunka dacaladiisa kala duwan sababo la xiriira xirfadooda taas oo ka dhgaysa tiradii ugu badneyd abid.

Waxaa dalka Shiinaha o keliya ku xiran suxufiyiin gaaraya 110.

Tirada wariyaasha la dilay ayaa sidoo kale sanadkan gaartay 57 weriye.

Dagaalka Ukraine ayaa la sheegay inuu uga sii daray xaaladda, siddeed wariye ayaa ku dhintay Ukraine lixdii bilood ee ugu horreysay dagaalka.

Xigasho: Wariyeyaasha Aan Xuduudka Lahayn