Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay qarax booyad shidaal oo ka dhacday dalka Nigeria

Published: October 16, 2024

Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay waqooyiga Nigeria 50 kalena way ku dhaawacmeen qarax booyad shidaal ah, afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay Arbacadii.

Qaraxa ka dhacay gobolka Jigawa ayaa goor dambe oo Talaadadii ka dhacay Majia, oo ah magaalo ku taal ismaamulka Taura, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afhayeen u hadlay taliska booliiska gobolka Jigawa Lawan Shiisu.

Dadka dhaawacmay ayuu sheegay in loo kala qaaday isbitaalada ku yaala magaalooyinka Ringim iyo Hadejia, halkaasi oo lagu daweynayo.

Horseed Media