Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho

Published: January 16, 2024
Shares12

Qarax weyn ayaa maanta oo Salaasa ah ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in qof soo xirtey jaakada bobka uu is qarxiyay iyadoo ciidamada amaanku baacsanayaan goob laga cunteeyo oo aan ka fogeyn Xarunta Gobolka Banaadir, boolisku ayaa intaa ku daray in qaraxa ay ku dhinteen sedex qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyagoo bilaabay baaritaan la xiriirra sida ay wax u dhaceen.

War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegteen in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxa, kuna beegsadeen dad u shaqeeya dawladda, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxa kale oo ay sheegeen in qarax uu fuliyay qof naftiisa dilay oo kooxda ka tirsan.

Muqdisho amaankeeda aya soo hagaagaayey kadib markii si weyn looga nastey qaraxyada gawaarida lagu soo rari jirey.

Horseed Media