UK: 5 askari oo ka tirsan Komandooska SAS oo loo xiray danbiyo-dagaal oo ka dhacay dalka Suuriya

Published: March 6, 2024

Shan askari oo ka tirsan ciidamada cirka ee gaarka ah (SAS) ayey booliska millatariga Britain ay xireen iyagoo looga shakisan yahay inay dambiyo dagaal ka geysteen wadanka Suuriya.

Askarta ka tirsan Komaandooska UK ayaa loo heystaa danbiyo ah dilal ay geysteen. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay isticmaaleen awood xad dhaaf ah, taasi bedelkeedana ay aheyd inay qabtaan qaar kamid ah dadka ay dileen. Askarta ayaa ku doodaya in dadka ay dileen ay ahayeen kuwo xagjirin ah oo damacsanaa inay geystaan weeraro ismiidaamin ah.

Komaandooska SAS ayaa ka hawlgalayey dalka Suuriya 10kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ka qeyb qaadanayey dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish/ISIS iyo taageerida kooxda PKK/YPG ee Kurdida ah.

Tani ma ahan warbixintii ugu horeysay ee ku saabsan dambiyada lagu eedeeyay askarta SAS, iyadoo baaritaan madax-banaan la bilaabay sanadkii la soo dhaafay kadib markii ay soo baxeen eedeeymaha dilal ay ka geysteen wadanka Afgaanistaan.

Horseed Media