UK: Boris Johnson oo is-karantiilay kadib cabsida COVID19

Published: November 16, 2020

Raysalwasaaraha UK Boris Johnson ayaa Axadii shalay bilaabay inuu is-karantiilo kadib markii xildhibaan uu la kulmay laga helay cudurka Covid19.

Xildhibaan Lee Anderson ayaa khamiistii lasoo dhaafay kulan qaatay 35 daqiiqo la qaatay, waxaana xildhibaankaasi kulankaasi kadib laga helay cudurka Covid19.

Johnson oo horey uu ugu dhacay cudurka Covid19 isla markaana isbitaal loo jiifiyey ayaa la sheegay in weli aan laga helin astaamaha cudurkan balse ay dhici karto in mar labaad uu ku dhaco cudurkaasi oo faro-ba’an ku haya dalka UK.

Dowlada Ingiriiska ayaa xayiraad la xariirta Covid19 kusoo rogtay dalkaasi kadib markii coronvirus uu si baahsan ugu soo laba kacleeyey wadamada Yurub.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *