UK: Maxkamada Sare oo sheegtay in Baarlamaanka Cod u qaado Brexit – VIDEO

Published: January 25, 2017

Maxkamada sare ee UK ayaa shaacisay in Baarlamaanka dalkaasi laga doonayo inuu ansixiyo aftidii dalkaasi ka dhacday ee inay isaga baxaan Midowga Yurub.

Go`aanka Maxkamada ayaa la xariirtay dacwad ay u gudbiyeen muwaadiniin dalkaasi oo kasoo horjeeda in Raysalwasaaraha iyo Xukuumadeeda kaligeed isku koobin mashruuca ka bixitaanka Midowga Yurub, waxaana lagu sheegay qaraar Maxkamada in wadada kaliya ee loo mari karo go`aan noocaan ah ay tahay in Baarlamaanka oo ah hay`ada ugu sareysa ay cod ku ansixiso.

Arrintan ayaa caqabad ku ah dadka sida weyn ugu ololeenayey in UK isaga baxdo Midowga Yurub, kadib markii aftidii dalkaasi laga qaaday sanadkii hore ay inta badan dadkii codeeyeen ay taageereen.

Baarlamaanka hada loo gudbiyey inuu ansixiyo natiijadii Aftida ayaa isagu markii hore kasoo horjeeday ka bixitaanka EU-da, xildhibaanada ayaa hada sheegaya inay tixgelin doonaan codkii shacabka aftida dhiibtay, balse hadalkan maaha mid ay ku kalsoon yihiin taageerayaasha Brexit oo iyagu ka cabsi qaba in la-laalo go`aankii ka bixitaanka Midowga Yurub.

Walow xildhibaanada intooda badan balan qaadayaan inaysan laali doonin natiijadii Aftida, hadana waxay sheegayaan in qodobo badan ay ku xiri doonaan qaabka UK uga baxeyso Midowga Yurub, taasi oo caqabad ku noqon karta gorgortanka Xukuumada UK la gelayso wadamada kale ee EU-da.

Waxaa iyaduna weli dood ka taagan tahay dhinaca ismaamulka Scotland oo iyagu diidan inay ka baxaan EU-da isla markaana sheegay in loo fasaxo inay iyagu si gaar ah xubin uga sii ahaadaan Midowga Yurub.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *