UK oo digniin Amni ka soo saartay xilliyada ciidaha

Published: May 1, 2022

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Geeska Africa.

See the source image

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wado qorsho ay weeraro iyo afduub uga fulineyso meelo kamid ah Soomaaliya xilliyada ciidaha si ay uga faa’ideysato mashquulka.

“Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay Ajaanibta booqdaan,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya.

Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *