UK oo ka hadashay eedeymo la xirriira inay faragelin ku sameysay doorashadii Kenya

Published: August 23, 2022
Shares94

Wakiilka sare ee dalka Britain u fadhida dalka Kenya, Jane Marriott ayaa meesha ka saartay eedeymaha ah in dalkeeda uu faragelin ku sameeyey doorashadii guud ee Kenya ee dhawaan la soo gaba gabeeyay.

Ms Marriott ayaa ka falcelinaysay eedaymo kaga yimid dhanka baraha bulshada oo sheegaya in ay cadaadis ku saartay guddiga doorashada in ay ku dhawaaqaan William Ruto in uu yahay madaxweynaha la doortay kadib doorsadhadii madaxweynaha ee muranka dhalisay.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyay sawirro aan la xaqiijinin oo ku tusinaya Ms Marriott oo gacanta ku salaamaysa Mr Ruto iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

Qoraalo taxane ah oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, ayey Ms Marriott ku sheegtay in UK aysan taageersanayn, aysanna lahayn aragti u gaar ah ee ku aadan murashaxiinta ama xisbiyada, iyadoo ku tilmaantay sheegashada xog khaldan.

“Hoggaamiyaha ay dadka Kenya dooranayaan waa arrin u taalla shacabka Kenya. Waxaan la kulannay dad ka kala socda dhinacyada siyaasadda si aan u sharaxno barnaamijyada UK iyo iskaashiga ay la leeyihiin Kenya, oo ay ku jiraan hay’adaha madaxa bannaan,” ayay tiri Jane Marriott.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *