UK oo Soomaaliya u ballan-qaaday inay sii kordhineyso taageerada dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab

Published: October 11, 2022
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefonka kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghay James Cleverly ayaa ka wada hadlay, qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK ayaa sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka Ururka al-Shabaab.

Sidoo kale qoaraal uu ku dhaabacay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 milyan oo lacagta ingiriiska ah.

Lacagtaas ayaa si gaar ah loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka.

Horseed Media