UK oo Soomaaliya u ballan qaaday taageero ka dhan ah isbaddalka cimmilada

Published: November 30, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka,  horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell ayaa bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka Al-shabaab iyo deyn cafiska.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Horseed Media