UK oo u hambalyeysay Puntland, dhameystirka doorashooyinka Deegaanka

Published: July 25, 2024

Safaaradda UK ee dalka Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saartay ugu hambalyeysay dowlada Puntland iyo shacabka, dhameystirka doorashooyinka qof & cod ee golayaaha deegaanka degmooyinka gobalka Nugaal.

Doorashadii qof iyo cod ee degmooyinkii dhinaa ee gobalka Nugaal ayaa soo gaba-gabeeyey codbixinta taariikha ah ee lagu soo dhisay Golayaaha degmooyinka Puntland oo ay shacabka soo doorteen. Arrintan oo sidoo kale tilaabo muhiim u ah doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ayaa u qornaa sidatan:

Hambalyo Guddiga Puntland & Shacabka Puntland ka dib doorashadii ka dhacday 3da degmo ee harsanaa Garoowe, Dangorayo, iyo Godob-jiiraan ee xildhibaanada golaha deegaanka. Waxaan soo dhawaynaynaa horumarka sii socda ee ku wajahan dimuquraadiyada iyo isku xidhnaanta

Doorashadan ayey sidoo kale ka qeyb qaateen shacabka barakacayaasha ah ee mudooyinkii danbe deganaa gobalada Puntland.

Puntland ayaa ah maamulka kaliya ee kamid ah Federaalka Soomaaliya ee ku guuleystay doorashooyinka qof iyo cod oo ay si xor ah shacabka usoo doorteen xildhibaanada golayaasha deegaanka ee 35ta degmo ee Puntland.

Horseed Media