UK oo yeelaneysa Ra’iisal wasaarihii saddexaad, muddo sannad gudihii

Published: October 24, 2022
Shares4

Dalka Britian ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya Ra’iisal wasaarihii saddexaad muddo sannad gudihiis ah.

Xilka Ra’iisal wasaaraha waxaa ku tartami doona wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose Penny Mordaunt.

Ra’iisul wasaarihii hore Boris Johnson oo markii hore damac ka galay kursiga ayaa xalay ku dhawaaqay inuu tartanka ka hadhay.

Mr. Sunak ayaa loo saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono xilka Ra’iisul wasaaraha.

Rishi Sunak asalkiisu waa Hindi, waxaana sodog u ah ninka Hindiya ugu maal qabeensan, laftiisu hal bilyan oo dollar hanti ku dhaw ayuu leeyahay.

Horseed Media