UK: Waqtigu waa is gurayaa si loo bilaabo howlaha doorashada Soomaaliya.

Published: January 21, 2021

Safiirka u fadhida Qaramada Midoobey Midowga Boqortooyada (UK) ayaa kulan la qaadatey Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abokor, waxaana kulanka looga hadley arrimaha doorashada Soomaaliya oo cakiran ilaa hadda.

Qoraal kooba oo ka soo baxay xafiiska Barbara Woodward, safiirka UK ee Qaramada Midoobey ayaa lagu yiri

“Waqtigu waa is gurayaa, waxaan ku booriney dowladda federalka Soomaaliya in ay raadiso Dowladaha xubanaha ka ah oo la gaarto heshiis iyo afgarad”.

Ilaa hadda laba dowlad goboleed ayaa muranka ugu badan uu kala dhexeeya Dowaldda federaalka sidii loo fulin lahaa heshiiskii September 2020, sidoo kale waxaa iyaguna qaabka dowaldda federaalku u maareyneyso doorashada ka soo horjeeda Musharixiinta xilka Madaxweynaha.

Dedaalada Beesha Caalamka ayaa marba marka ka sii danbeysa sii xoogeysanaya si loo dhaqaajiyo arrimaha doorashada ee cakiran, waxaana muddo xileedkii Madaxweynaha ka dhiman maalmo yar oo keliya ilaa haddana ma muuqato calaamado muujinaya in doorashooyinku bilaami rabaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *