UKRAINE: Maleeshiyaadka Taageersan Ruushka oo la geliyey heegan

Published: February 19, 2022

Hogaamiyayaasha fallaagada Bariga Ukraine ayaa amray abaabul ciidan oo buuxa, iyagoo sidoo kale ugu baaqay shacabka taageersan inay hubka qaataan.

Hogaamiyayaasha gobolada Donetsk iyo Luhansk ee ka go’ay bariga Ukraine ayaa ku dhawaaqay abaabul ciidan oo buuxa, talaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka taagan gobolka ay colaaduhu aafeeyeen ee reer galbeedku ka cabsi qabaan inay marmarsiiyo uga dhigtaan duulaanka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu kormeeri doono dhoolatusyada militari ee ciidamadiisa ka sameenayaan xuduudaha Ukraine maanta oo Sabti ah, halka Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu ku wajahan yahay Yurub si uu codsado taageero dheeraad ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *