Ukraine oo ka fiirsaneysa go’aan uu Ruushku shaaciyey 

Published: November 10, 2022
Shares4

 Ukraine ayaa sheegtay inay si taxadar leh uga fiirsanayso go’aan si lama filaan ah uu u shaaciyay Ruushka.

Go’aanka uu Ruushku shaaciyey ayaa ahaa inuu ciidamadiisa kala bixi doono deegaanno ay kamid tahay magaalada muhiimka ah ee Kherson.

Deegaannadaas ayaa kamid ah kuwo uu dhawaan Madaxweyne Putin ku daray Ruushka.

Lataliyaha Madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak ayaa shegay in aanay jirin astaamo muujinaya in ciidamada Ruushka ay magaalada Kherson uga bixi doonaan si nabad ah.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan duullaanka ay ku saarayaan Ruushka, isla markaana ay xeeladahooda dagaal ku salayn doonaan xogta ay ka helaan sirdooonka, oo aanay ku dagmi doonin waxa uu ku tilmaamay hadallo laga jeediyay telefishinka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxay ifafaalo muujinaysa in Ruushka uu ciidamadiisa kala bixi doono aaggaas oo noqday mid si joogta ah loogu beegsado, isla markaana ay adag tahay inuu gaarsiiyo saad milateri.

Horseed Media