Ukraine oo sheegtay in Ruushka uu ku jabay duullaanka uu ku qaaday dalkaas

Published: November 11, 2022

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Ukraine ayaa lagu sheegay in Ruushka uu ku jabay duullaanka uu ku qaaday Dalkaas 24kii Febaraayo 2022 kaddib markii gacantooda ay ka baxeen magaalooyin muhiim ah.

Sidoo kale warka waxaa intaas lagu daray in ugu badnan labo todobaad ay qaadaneyso in guud ahaan Askarta Ruushka isaga baxaan Kherson oo ay ku dhawaaqday Moscow in ay isaga baxeyso.

Xukuumadda Kyiv ayaa isu diyaarineysa wajiga labaad ee howlgallada dib u qabsashada magaalooyinka ka maqan, waxaa intaas dheer in howlo miino baaris ah ay ka sameyn doonto goobaha ay isaga baxaan Askarta Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Dadkiisa uu u dhabar adeegay sidii uu guul uga gaari lahaa dagaalka ka dhanka ah Ruushka si ay dib ugu qabsadaan Magaalooyinka weli ay joogaan Ciidanka Moscow.

Horseed Media