Ukraine oo sheegtay inay soo riday gantaallo uu Ruushku ku soo ganay

Published: October 11, 2022

Afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine Yuriy Ihnat ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine ay saaka ay soo rideen afar gantaal oo uu Ruushka ku soo ganay.

Afhayeen Yuriy Ihnat wuxuu intaa ku daray in ciidamada Ukraine ay adeegsadeen qalabka lidka diyaaradaha si ay usoo ridaan gantaallada Ruushka.

Labo kamid ah gantaallada waxay ku burbureen gobolka Kyiv, sida barta Telegram-ka uu ku sheegay taliyaha militeriga ee gobolkaas, Oleksiy Kuleba.

Ruushka ayaa shaley duqeymo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah la beegsaday caasimadda Ukraine ee Kyiv

Horseed Media