UKRAINE: Ruushka oo ogolaaday shacabka inay ka baxaan 2 magaalo oo uu go’adoomiyey

Published: March 5, 2022

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyey in wado loo furo dadka shacabka ah ee ku go’adoonsan labo magaalo oo ku yaal koonfurta Ukraine oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Ruushka.

Magaalada dekada leh ee Mariupol iyo Volnovakha ayey go’adoomiyeen ciidamada Ruushka iyagoo ka jaray korontadii iyo biyihii maalmihii lasoo dhaafay.

Wafuuda labada dhinac ee Ruushka iyo Ukraine oo markii labaad kulmay ayaan weli wada gaarin xabad joojin buuxda.

Dhinaca kale dowlada Ukraine ayaa si weyn uga niyad jabtay go’aankii Xulafada NATO ay Jimcihii shalay qaateen oo ah inaysan xirin hawada Ukraine, Madaxweynaha Ukraine oo horey uga codsaday NATO arrintan ayaa doonayey in laga hortago diyaaradaha Ruushka ee duqeynta dalkiisa ka wada.

Wasiirada Dibada ee dalalka xubnaha ka ah NATO oo shalay shir deg deg ah yeeshay ayaa ka gaabsaday inay xiligan soo rogaan amar ay ku xirayaan hawada dalka Ukraine, maadaama ay taasi uga baahan tahay in diyaaradaha NATO ee dagaalka loo diro dalka Ukraine taasi oo ka dhigan dagaal ay la galaan Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Blinken ayaa sheegay in NATO aysan hada dooneyn inay wax dagaal toos ah la gasho Ruushka balse ay Ukraine ka caawin doonaan sidii ay isu difaaci lahaayeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *