UNOCHA oo ka walaacsan Tarxiilka Somaliland ka wado Laascaanood

Published: October 5, 2021

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay tarxiilka iyo dadka khasabka looga saarayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Ciidamada Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi ka qabqabnayey dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa soo tarxiilay in ka badan 1000 qof, kuwaasi oo gaaray deegaanada Puntland.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay caawiyaan dadkan lasoo baro-kiciyey oo u badan caruur iyo haween.

Puntland ayaa sheegtay in dib u dajin kumeel gaar ah u sameysya dadkaasi oo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, ayey ciidamada Somaliland mariyeen dhulka hawdka iyagoo u diiday inay maraan wadada u dhaxeysa Laascaanood iyo Garowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *