Urur Siyaasadeedyada Puntland oo dalbaday in dib loo dhigo doorashooyinka Qof iyo Codka…

Published: August 29, 2021

Urur-siyaasadeedyada Puntland ayaa Madaxweyne Deni iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland ka dalbaday in dib loo dhigo doorashada qof iyo codka ah ee dowladaha hoose ee la qorsheeyey in ay ka dhacaan 25-ka October degmooyinka;Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Dalabka dib u dhigidda Doorashooyinka qof iyo codka ayay ku sheegeen lagu guda jiro doorashooyinka Soomaaliya ee heer Qaran, muhiimna ay tahay in kala duwo doorashada heer Federaal iyo tan Golayaasha degmooyinka Puntland.

Sidoo kale Urur siyaasadeedyada ayaa dalbaday in dib-u-eegis lagu sameeyo habka doorashada oo ah ‘Hannaanka liistada xidhan’ kaasi oo dadweynuhu ay urur u codaynayaan halkii ay qof u codayn lahaayeen.

Ilaa hada majiro wax jawaab ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka kumeelgaarka ah ee Puntland oo kusaabsan dalabka urur siyaasadeedyadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *