Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Garab Istaagay Qaranimada Soomaaliya

Published: January 4, 2024

Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa garab istaag u muujiyey dowladda Soomaaliya kadib is-afagaradkii ku sheegii ay magaalada Addis-Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Is-afgaradkaas ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

“Ayada oo ay ka go’an tahay ixtiraamka madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah, si waafaqsan Axadiga Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) iyo xeerka caalamiga ah, iyo kadib Is-afgaradkii iskaashi iyo wada-shaqeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii Janaayo 2024, Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay muujinaysaa diidmadeeda ku aadan ficil kasta oo ku xadgudbaya madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Xoghaynta Guud waxay soo cusboonaysiisay garab istaagga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, lana ilaaliyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.”

Horseed Media