Ururka Mustaqbal oo ka horyimid qaabka dowladda Puntland u maamuleyso dimoqraadiyadda

Published: September 6, 2022

Warsaxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa si weyn loogu deedafeeyey sida dowladda Puntland ay u maamuleyso barnaamijkii dimoqraadiyadda ee la doonaayey in Puntland la gaarsiiyo baraare.

War-saxafaadeedka ayaa lagu yiri saddex sano ka dib waxay ahayd maanta oo kale in Puntland leedahay goloyaal deegaan oo ku yimid nidaamka xisbiyada siyaasadeed, laakiin ma dhicin.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen sida dowladdu u maamushey doorashadii ugu danbeysey ee ka dhacdey degmada Eyl, oo ay sheegeen in ay calaamad u tahay boobka dowladdu wado iyo sida aysan marnaba u dooneyn in doorasho hagaagsan qabato.

Ururka Mustaqbal ayaa taageeray baaq dhawaan ka soo baxay ururada Dhalinyarada, Ifiye, Mideeye iyo Sincad oo ku baaqey in shir degdeg ah ay isugu yimaadaan.

Ilaa hadda wixii ka dhacay Eyl waxaa dowladda ku taageersan ururka Runcad oo keliya. Puntland waxay leedahay sagaal urur siyaasadeed, 7 kamid ah ayaa qaba qaabka dowladdu wax u waddo inaysan sharci ahayn ee loo baahan yahay in la isaga yimaado, waxaa sidoo kale gabaabsi ah wakhtigii sharciga ahaa ee dowladda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Deni.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
BAAQ WADA TASHI

Arrinta ah in Puntland ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah xalaalna ku noqonaysa sharciga haga doorashada oo ah Dastuurkii bulshada Puntland ku heshiisay April, 2012 waa mid ka go’an dhammaan shacabka Puntland gaar ahaanna URUR SIYAASADEEDKA MUSTAQBAL.

Saddex sano ka dib, markaynu filaynay in maantay degmo walba ay leedahay Gole Deegaan oo dadku doorteen kuna salaysan tirada ku nool degmada sida sharcigu qabo, waxaa intii huruday ku tooseen wixii ka dhacay Degmada Eyl oo markii horeba doorasho ku sheeg aan sharciga waafaqsanayn laga qabtay.

Wixii Degmada Eyl ka dhacay waxay caadka ka qaadayaan in xukuumaddu aysan marna ku talagelin doorasho waafaqsan sharciga Puntland, balse ay maaraynayso sidii ay u gaari lahayd natiijo iyadu rabto oo ogtahay iyadoo ku magacaabaysa doorasho.

Haddaba, maadaama aysan muuqan in xukuumadda hadda talada haysaa ay danaynayso baraaridda iyo jiritaanka Puntland.

Ururada Siyaasadda oo ah kuwa shatiga u qaatay in ay qayb ka noqdaan doorasho sharciga waafaqsan ee laga qabto Puntland, waxaa la gudboon in ay isugu yimaadaan kulanka wada tashi ee lagu baaqay iyaga oo la shaqaynaya ciddii danaynaysa wanaagga shacabka Puntland iyo horumarka Soomaaliyeed.

September 5, 2022
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *