Isbaheysiga RAJO oo beeninyey in Yusur Abraar xil ka doonatay Muqdisho! – Warsaxafadeed

Published: March 7, 2017

Isbaheysiga RAJO ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku beeniyey warar sheegaya in Drs.Yusur Abraar oo horey isaga casishay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ay wakhtigan ku sugan tahay magaalada Muqdisho si ay ugu biirto xukuumada cusub, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida.

Qoraalka kasoo baxay Isbaheysiga Rajo oo ay xubin ka tahay Drs.Yusur Abrar ayaa lagu sheegay in wararkan ay yihiin kuwo aan waxna ka jirin, walow aan warsaxaafadeedka RAJO lagu xusin warbaahinta shaacisay wararkan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiligan ka socda dadaal lagu soo dhisayo xukuumada ugu horeysa ee Raysalwasaare Khayre, iyadoona ay joogaan siyaasiyiin badan oo xilal doon ah. Qaar kamid ah Saxaafada ayaa si mala awaal ah u shaaciyey magacyo shaqsiyaad ay sheegayaan in xukuumada cusub ka mid noqon doonaan, walow Drs.Yusur Abrar aysan xiligan joogin magaalada Muqdisho.

Drs.Yusur Abrar ayaa saameyn weyn ku yeelatay Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kadib markii ay xilka iska casishay muddo kooban kadib markii loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Iscasilaada Drs.Yusur ayaa salka ku heysay inay si adag uga hortimid in xukuumadii xiligaasi si musuq maasuq ah kula soo wareegto Hantidii Qaranka Soomaaliya ee dalalka dibada yaala.

Qoraalkan Isbaheysiga RAJO soo saaray ayaa u qornaa sidatan:

War saxaafadeed: 122/Rajo/17-B

Taariikh: Talaado (07/03/2015)

Ujeedo: Beenayn wararka sheegay in Yusur Abrar eey Muqdisho u joogto xil dawladeed.

War saxafiga ayaa cadaynaya in aysan Yusur Abraar oo ah qof eey Soomalida oo idil ku faanto oo ku caan baxday wadaniyad, hufnaan iyo daacadnimo in aysan xilgaan joogin magaalada Muqdisho si eey u qaadato xil dawladeed.

Arintaas oo eey warbaahin badan faafiyeen waa been runta ka fog.

Yusur mar waliba wexeey diyaar u tahay in khibradeeda, aqoonteeda iyo kartideeda la wadaagto dalkeeda iyo dadkeeda kana qayb qaadato horomarinta dalkeena.

RAJO

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *