Ururka Xisbullah oo soo riday diyaarad Drone ee Israa’iil oo dul maraysay hawada Lubnaan

Published: June 10, 2024

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil koonfurta Lubnaan Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey khasaaraha diyaaradda laga soo riday.

Xibullah ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay diyaarad nooceedu yahay Hermes 900, oo ahayd sahanka militariga Israa’iil. Tani waxay ka dhigan tahay ugu yaraan diyaaradii saddexaad oo ay Xibullah soo riddo.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen laba dhismo oo milatari oo ay leeyihiin Xisbullah iyo fariisin ay ka sameysteen deegaanada Aitaruun iyo Ayta ash Shab ee koonfurta Lubnaan.

Horseed Media