USA: Aaskii George Floyd iyo baaqa Eheladiisa

Published: June 10, 2020
(AP Photo/David J. Phillip, Pool)

George Floyd oo ay dileen booliiska Minneapolis dhamaadkii bishii hore ayaa xuskii ugu danbeeyey lagu qabtay magaalada Houston ee gobalka Texas oo ah halkii uu ku dhashay.

Waxaana kasoo qeyb galay kumanaan shacab iyo madax kala duwan kuwaasi oo ku baaqay in xal loo helo falalka cunsurinimada ah ee booliiska Maraykanka la beegsado dadka Madowga iyo kuwa laga tiro badan yahay ee dalkaasi.

Qaar kamid ah qoyska Mr.Floyd ayaa khudbado kooban goobta kasoo jeediyey, sidoo kale Xildhibaanada laga soo doorto gobalka Texas ee Kongareeska oo intooda badan kasoo qeyb galay munaasabada ayaa ka hadlay dilka ninkan loo geystay iyo saameynta uu caalamka oo dhan ku yeeshay, iyagoo sheegay in dilkiisa ay rajeenayaan inuu isbedal ku keeno guud ahaan dalka Maraykanka.

Goobta ayey ku sugnaayeen ehelada qaar kamid ah dadkii ay horey u dileen booliiska Maraykanka, waxayna dhamaantood ku baaqeen in lasii wado kacdoonka isbedal doonka ah oo ay shacabka wadaan illaa laga guuleysanayo falalka cunsurinimada ah oo ay ku kacaan ciidamada amniga.

Meydka George Floyd ayaa lagu aasay meel u dhaw qabriga ay  ku duugan tahay hooyadiis, waxaana la arkayey shacab badan oo isugu soo baxay goobta uu aaska ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *