USA: Al-Shabab oo qorsheenaysay Weerar diyaarad loo adeegsado?

Published: December 17, 2020

Maxkamada dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay lasoo taagay nin u dhashay Kenya oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Al Shabaab kaasi oo qorsheenyey inuu afduubo diyaarad uu ku fuliyo weerar argagaxiso gudaha dalka Maraykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Cholo Abdi Abdullah oo ah 30 jir Kenyaan ah ayaa lagu qabtay wadanka Philippines sanadkii 2019, isagoo wadankaasi ku bartay sida diyaarada loo wado isagoo qorsheenayey inuu afduubto diyaarad kadibna weerar ku qaado gudaha dalka Maraykanka.

Salaasadii ayaa ninkan lagu wareejiyey dowlada Maraykanka, waxaana isla shalay lasoo taagay maxkamada, Cholo ayaa beeniyey dacwada lagu soo oogay, Garsooraha maxkamada ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo inta baaritaanka socdo.

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa sheegtay in ninkan uu ka tirsan Kooxda Al Shabaab oo qorsheenaysay inay weerar lamid ah kii 911 ay ka geysato gudaha wadanka Maraykanka.

Cholo ayaa la sheegay inuu sanadkii 2017 tagay dalka Philippines xiligaasi oo uu iska diiwaangeliyey iskuul lagu tababaro duuliyayaasha, wuxuuna sidoo kale xiligaasi baaritaan dheer u galay qaabka uu ku afduubi karo diyaarad sida ku qoran dacwada maxkamada loo gudbiyey.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *