USA: Banaanbaxyo looga soo horjeedo Go’aankii Trump ee xayiraada Muslimiinta – VIDEO

Published: January 30, 2017

Kumanaan shacabka Maraykanka ayaa isugu soo baxay Magaalooyinka waaweyn iyo Madaarada dalka Maraykanka si ay u muujiyaan diidmadooda ku aadan Xayiraada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kusoo rogay socdaalka Muslimiinta.

Qaar kamid ah Madaarada dalka Maraykanka ayey ku xayiran yihiin dad badan oo heysta sharciga degenaanshaha ee Green Card loo yaqaan kuwaasi oo kasoo jeeda asal ahaan 7 wadan ee Xayiraadan la saaray oo uu ku jiro wadanka Soomaaliya.

Hay’adaha u dooda xaquuqda Shacabka ayaa dacwado u gudbiyey Maxkamadaha gobalada dalkaasi Maraykanka si loo laalo wareegtada Madaxweynaha ee lagu joojiyey socdaalka Muslimiinta wadamada Soomaaliya, Siiriya, Yemen, Suudaan, Liibiya, Ciraaq, iyo Iran.

Waxaa dhinaca kale soo baxaya jawaabo kasoo yeeraya dowlada xayiraada la saaray. Xukuumada IRAN oo si adag uga jawaabtay ayaa sheegtay inay iyaguna dalkooda u diidi doonaan dadka sita sharciga Maraykanka, halka Yemen iyo Suudaan ay ku tilmaameen xayiraadan mid dhaawac ku ah xiriirka ay laleeyihiin Maraykanka.

Dowlada Ciraaq oo ay dhulkeeda ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka ayaa sheegtay inay iyaduna jawaab ka bixin doonto, waxaana jira siyaasiyiin ku baaqay in dalkooda laga saaro dhamaan dadka Maraykanka ah, walow aysan xukuumada weli jawaab rasmi ah bixin.

Dalalka Soomaaliya iyo Liibiya ayaan weli wax war ah kasoo saarin go’aanka Donald Trump, xili dalalkaasi mas’uuliyiinta ka talisa qaarkood heystaan dhalashada dalka Maraykanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *