USA: Dowlad Gobaleedyada oo ansixiyey guusha Madaxweynaha la doortay Joe Biden

Published: December 15, 2020

Ergooyinka laga soo doortay Dowlad Gobaleedyada Maraykanka ayaa sida uu sharciga qabo si rasmi ah u ansixiyey guushii Madaxweynaha dooran ee Joe Biden, arrintan oo soo afjareysa doodii iyo murrankii Madaxweynaha xilka haya Donald Trump ee aan weli aqbalin in doorashada looga guuleystay.

Walow uu Joe Biden codod malaayiin ah uu ka horeeyey Donald Trump, hadana xilka Madaxweynaha ayaa waxa qabta murashaxa ku guuleysata cododka ugu badan oo ay ka helaan ergooyinka Dowlad gobaleedyada dalkaasi oo loo yaqaan Electoral College, kuwaasi oo caawa ansixiyey in Biden uu ku guuleystay doorashada.

6da bisha Janaayo ayaa laga doonayaa in Kongareeska Maraykanka isaguna ansixiyo codeynta ergooyinka dowlad gobaleedyada, iyadoo sharciga dalkaasi qeexayo in 20ka bisha Janaayo xilka loo dhaariyo Madaxweynaha la doortay.

Trump ayaa olole ugu jiray inuu boobo guusha doorashada isagoo isku dayey kiisas uu maxkamada horgeeyey in la laalo cododka shacabka dhiibteen qaarkood, inkastoo waji-gabax ka raacay dhamaan dacwadahaasi kadib markii ay diideen Garsoorayaashii la horgeeyey.

Wuxuuna ugu danbeyntii Trump ka codsaday ergooyinka Dowlad gobaleedyada (electoral College) inaysan codkooda siin Biden oo ay khilaafaan aqlabiyada cododka shacabka ay metelaan taasina waa uu ku fashilay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *