USA: Duufaan ku dhufatay gobalka IOWA

Published: May 22, 2024

Duufaan xooggan ayaa ku dhufatay qeybo kamid ah gobalka Iowa Talaadadii, halkaas oo laga soo sheegayo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sawirro laga soo qaaday magaalada Greenfield ayaa muujinaya burbur wayn, iyadoo ay burbureen inta badan guryihii iyo qashin meel walba daadsan.

Dhaawaca ka dhashay dabaysha duufaantan yaa loo qaaday magaalooyin kala duwan kadib markii uu burbur soo gaaray isbitaalka magaalada Greenfield.

Hay’ada Cimilada Qaranka ee Mareykanka ayaa soo saartay digniino duufaanno ah ee inta badan gobalka Iowa iyo dhowr gobol oo kale, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Minnesota iyo Wisconsin.

Horseed Media