USA: Nin hubeysan oo Weeraray Kaniisad ku taal New York

Published: December 14, 2020

Booliiska magaalada New York ayaa Axadii shalay toogasho ku dilay nin hubeysan oo weeraray xaflad ka dhaceysay Kaniisad ku taal magaaladaasi.

Ninkan oo laba bistooladood ku hubeysan ayaa rasaas ku furay booliiska iyo shacabka ku sugnaa banaanka kaniisada oo ay xiligaasi ka dhaceysay xaflad diimeed.

Ninkan hubeysan oo aan weli aqoonsigiisa la shaacin ayaa ku dhawaaqayey (…i-Dila…) isagoo diiday inuu dhageysto amarka booliiska oo marar badan u sheegay inuu hubka dhigo kahor intaysan toogan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *