USA: Senate-ka oo ansixiyey Garsooraha cusub ee Maxkamada Sare

Published: October 27, 2020

Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa xalay ansixiyey Garsooraha cusub ee uu Madaxweynaha Maraykanka u magacaabay Maxkamada sare ee dalkaasi.

Haweenaydan Garsooraha ah Amy Coney Barrett ayaa buuxineysa booska ka banaan Garsoorayaasha Maxkamada Sare oo gaaraya 9 xubnood.

Magacaabida Amy Coney Barrett ayaa ka dhigaysa in hada ay 6 kamid ah Garsoorayaashaasi ay magacaabeen xisbiga Jamhuuriga halka 3 kaliya ay magacaabeen Dimuquraadiga.

Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa dadajiyey magacaabista Garsoorahan si ay uga hormariyaan xiliga Doorashada dhici doonta 3da November, iyagoo wel wel ka qaba in doorashadaasi looga guuleystay Aqlabiyada Aqalka Sare ee Senateka iyo Waliba Madaxweynaha.

Codbixintii xalay ayey 52 xildhibaan codkooda ku taageereen halka 48 ay diideen, dhamaan Xildhibaanada dimuquraadiga iyo hal xildhibaan oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa diiday ansixintan.

Awooda ay Jamhuuriga ku yeesheen Maxkamada Sare ayaa muhiim ah maadaama dhawaan lagu wado in Maxkamada Sare la horgeeyo kiiska la xariira sharuucdii ay Xukuumadii Obama ansixiyeen sida Caymiska caafimaadka oo laga cabsi qabo inay laalaan Garsoorayaasha u jeen-jeera dhinaca Jamhuuriga.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *