USA: Tirada dadka u Dhintay Covid-19 oo dhaaftay 100,000

Published: May 28, 2020

Tirada dadka u dhintay cudurka coronavirus ee Dalka Maraykanka ayaa kor u dhaaftay Boqol Kun qof, halka in ka badan 1.7 Milyan qofna uu ku dhacay cudurka

Jaamacada Johns Hopkins ayaa xog ururin ay samaysay waxay ku sheegtay in tirada dadka uu dhintay Maraykanku ay gaadhay 100,396 qof. 24 Saac ee la soo dhaafay waxaa cudurka u dhintay 1400 qof.

Goboladda Maraykanka ayaa qaadaya xayiraadihii ay soo rogteen iyagoo dib u furaya goobaha Ganacsiga sida maqaayadaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Madaxweynaha Maraykanka ayaa marar badan dalbaday in xayiraada la qaado si looga kabsado dhaqaale xumada uu sababay cudurka Coronavirus.

Guud ahaan Caalamka waxaa u dhintay covid-19 dad ka badan Saddex Boqol iyo Konton kun qof, halka tirada dadka uu ku dhacay ay ku dhowdahay Lix Milyan oo qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *