USA: Trump oo Neil Gorsuch u magacaabey Garsoore Maxkamadda Sare ee Maraykanka – VIDEO

Published: February 1, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenimadii Salaasada booskii muddada dheeer banaanaa ee maxkamadda sare ee maraykanka u magacaabey Neil Gorsuch.

Tan iyo sanadkii hore waxaa booskan ka taagnaa buuq kadib markii uu geeriyoodey Garsoorihii ugu mudada dheeraa Antonin Scalia bishii Feberaayo 2016, oo ahaa Asal-raac ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey magacaabidii garsooraha cusub sheegay in malaayiin qof oo isaga u codeeyey ay ugu codeeyeen in uu keeno qof meteli kara garsoorihii geeriyoodey ee Antonin Scalia, kaas oo ah Asal-raac.

– Waxaan ahay nin hadalkiisa ka dhabeeya ballantana fuliya sidaas darteed ayaan u magacaabey Neil Gorsuch ayuu yiri Trump.

Neil Gorsuch ayaa ah 49 sano jir wax ku soo bartey Jaamacadaha caalamka ugu sareeya, waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Colorado. Maxkmadda rafcaanka ee heer Federaal ee gobolka Colorado ayuu ka ahaa garsoore.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si weyn uga caraysan in Jamhuuriyiinta haysata aqlabiyadda labada Aqal ee Maraykanku ay ka hor istaageen Madaxweynihii hore Barack Obama in uu magacaabo booska banaanaadey, waxaana uu u magacaabey Merrick Garland kaas oo aqalka Senate-ku diideen in ayba dhegaystaan iska dhaaf in ansixiyaan ama diidaane. Qaar kamid ah Xildhibaanada Dimoqraadiga ayaa ballan qaadey in ay ku adkaan doonto in la ansixiyo garsooraha Trump magacaabo iyaga oo isticmaalaya khudbadaha loo yaqaan Filibuster ee wakhtiga lagu dhumiyo waxaana lagu jebin karaa in uu helo 60 cod oo ka tirsan Aqalka Senate-ka taas oo macnaheedu yahay in Xildhibaano ka tirsan Dimoqraadigu u codeeyaan.

SagaalGarsoore

Maxkamada Sare ee Maraykanka oo ay hoggaanka u hayaan 9 garsoore kuwaasi oo xilka haya illaa inta ay ka dhimanayaan, waxaana Garsoorayaasha Maxkamada sare soo magacaaba Madaxweynaha, balse waa inay ansixiyaan golaha Odayaasha (Senate).

Garsoorayaasha hadda xilka hayey oo dhanka fikir ku kala gedisan ayaa u kala qeybsanaa laba garab oo ah kuwa Asal Raac ah oo ay taageeraan xisbiga Jamhuuriga iyo kuwa Isbedal doon ah oo u jeen jeera dhanka xisbiga Dimuquraadiga.

Garsoorihii geeriyooday ee Antonin Scalia oo isagu taageero ka heystay xisbiga Jamhuuriga maadaama uu ahaa dadka aaminsa siyaasada dhanka midig ama asal raaca loo yaqaan, waxayna taasi keentay in Garsoorayaasha Maxkamada Sare isugu soo haray ay noqdaan kuwo fikirka ku kala qeybsan oo ah 4 asal-raac ah iyo 4 isbedal doon ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *