USA: Victoria Nuland Kusimihii Kuxigeenka Arrimaha Dibada oo is-casishay

Published: March 6, 2024
Shares30

Victoria Nuland oo ahayd kusimihii kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa xilka iska casishay xili ay xiisad ka dhex taagan tahay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Mareykanka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Siyaasadda Victoria Nuland ayaa ogeysiisay Xoghayaha Blinken, is-casilaadan ayaa imaaneysa wax ka yar sannad ka dib markii sarkaalka labaad ee ugu sarreeya Waaxda Arrimaha Dibedda, Wendy Sherman, ay sidoo kale is-casishay.

Sanadihii la soo dhaafay, Ms.Nuland waxay ahayd qof hormuud u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee ku wajahan dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Is-casilaada Victoria Nuland ayaa la rumeysan yahay inay la xariirto magacaabista Kuxigeenka Xoghayaha arrimaha Dibada, oo lagu wado in loo magacaabo Jon Finer oo hada ah kuxigeenka Lataliyaha Amniga Qaranka.

Jonathan Finer iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Antony Blinken ayaa labaduba kasoo jeeda Yahuuda Mareykanka, xili xukuumada Joe Biden lagu eedeenayo siyaasada sida indho la’aanta ah ugu taageerayso xasuuqa ay Israel ka wado Gaza.

Dhawaan ayey warqad furan oo ay ku cambaareenayaan siyaasada ku aadan xasuuqa Gaza ay soo saareen in badan oo kamid ah shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta Mareykanka ee Wasaarada Arrimaha Dibada.

Todobaadkan ayey sidoo kale warqad furan oo ay ku cambaareenayaan xasuuqa ka socda Gaza soo saareen in badan oo iyaguna kamid ah Saraakiisha iyo militariga Mareykanka, hase yeeshee maamulka Joe Biden ayaan weli ka weecan taageerada uu u hayo maamulka xagjirka ee Israel.

Joe Biden oo xiligan ku jira ololaha Doorashada dhamaadka sanadkan ayaa laga yaabaa inuu xilka ku waayo taageerada Israel, maadaama in badan oo kamid ah shacabka taageera Xisbigiisa Dimuquraadiga ay sheegeen inaysan u codeyn doonin haduusan ka noqon siyaasadiisa uu ku taageerayo xasuuqa ka socda Marinka Gaza.

Horseed Media