USA: Weerar ka dhacay magaalada Kansas

Published: February 15, 2024
Shares48

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay 22 kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay magaalada Kansas xili ay socotay debaaldega iyo soodhaweynta kooxda magaaladaasi oo todobaadkan ku guuleystay ciyaarta Super Bowl.

8 qof oo kamid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay xaaladoodu culus tahay.

Booliiska ayaa falkan u xiray sadex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka qeyb qaateen rasaasta lagu furay shacabka.

Taliyaha Booliiska Kansas Stacey Graves, ayaa sheegtay in weli uu baaritaanka socdo.

Horseed Media