Villa Somalia: Ma jiro kulan dhexmari doona Md.Xasan iyo Abiy Ahmed

Published: January 29, 2024

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax kulan ah yeelan doonin Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labaduba ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Sawir hore: Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Abiy Ahmed iyo Raysalwasaaraha Italy Giorgia Meloni, Addis Ababa April 15/2023 (ENA)

Hogaamiyayaasha ayaa caasimada Talyaaniga uga qeyb geli doona shirka Iskaashiga Italy iyo Afrika oo halkaasi ka dhacaya.

Agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdulqadir Ali Dige ayaa sheegay in uusan jirin wax kulan gaar ah oo dhexmari doona labada hogaamiye.

Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya illaa inta Itoobiya ay ka noqoneyso heshiiska ay la gashay Somaliland ee ku daneenayso inay kula wareegto dhulka saaran xeebta Badda Cas.

“Ma jiro wax wadahadal ah haddii aanay Itoobiya ka noqon heshiiskii sharci-darrada ahaa, waana inay ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” ayuu yiri Dige.

Horseed Media