Waa Sidee Xaaladda Caasimadda Garoowe?

Published: February 6, 2023

Xaaladda Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa caawa kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan, kadib markii ay gudaha galeen ciidamada ku hubaysan hubka culus.

Taliyaha Ciidamada Komandooska Puntland Generaal Jimcaale Jaamac Takar iyo Ciidamadiisa ayaa caawa gudaha u galay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ciidamada Jimcaale oo watay gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa xirtay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Garoowe sida kantaroolkii hore ee galbeedka magaalada kaas oo xiriiriya wadooyinka ka yimaada magaalooyinka Laascaanood iyo Gaalkaayo.

Guutada DANAB ee uu horkacayo Jen. Jimcaale ayaa diidan diiwaangelinta doorashada Qof iyo Cod inay ka dhacdo gobolka Nugaal.

Sidoo kale siyaasiyiin u badan xubno kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa horey u qaadacay diiwaangelinta doorashada taaso ay ku tilmaameen diiwaangelin iyo doorasho hubaysan.

Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xili la qorshanayey inay todoba bisha (07/Febraayo) diiwaangelinta doorashadu ka bilaabato gobolka Nugaal.

Horseed Media