Waa sidee xaaladda Laascaanood kadib dagaalkii shalay ee Talaadada?

Published: August 23, 2023
Shares4

Xaaladda magaalada laascaanood ayaa ah mid dagaal, waxaa la maqlayaa dhawaaqa hubka culus ee la is dhaafsanaayo.

Ciiamada Somaliland ee fadhiya banaanka Laascaanood ayaa bilaabey in ay dib u duqeeyaan magaalada waxaana subaxnimada arbacaada ku soo dhacay madaafiic dhawr ah.

Dhanka bariga magaalada waxaa ka socda madaafiic la isku ridaayo labada dhinac, sidoo kale Galbeedka iyo boholaha Xargaga ayaa laga maqlaya madaafiic la is weydaarsanaayo.

Maalintii shalay ee Salaasada waxaa dhacay mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee muddooyinkan danbe.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Maxamed Cabdi Ismaaciil, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay weerarka soo qaadeen maalintii shalay ee salaasada, laakiin ay iska caabiiyeen oo ay khasaare gaarsiiyeen.

Ciidanka difaaca SSC-Khaatumo iyaga oo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah, ee is difaaca ay xaqa u leeyihiin, waxay kala hortageen iska caabin xoogan, iyaga oo cadowga u dhigay cashar lama ilaawaan ah

Sidaas waxaa yiri Maxamed Cabdi Ismaaciil oo u hadley SSC

Meelaha horumarka laga sameeyey waxaa kamid ah aaga Maraaga oo dhuefsyo horey Soomaaliland ciidankeedu u joogey laga saarey, haatana ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka SSC.

Xiriir aan la sameyney magaalada Laascaanood ayaa naloo sheegay in goorkastaba uu dagaalku dib u bilaaban karo maanta oo Arbaca ah, marka la eego saan-saanta iyo madaafiicda la is dhaafsanayo.

Dagaalka Laascaanood ayaa si toos ah u bilowdey 6 Febaraayo, kadib markii ciidmaada Somaliland ay weerar ku qaadeen shirkii aaya-katashiga ee SSC op Laascaanood uga socdey isimadda SSC, taasi waxay keentay in Somaliland gebi ahaanteedba laga saaro gobolka Sool, marka laga reebo Goojacadde iyo dhufeysyo ku dhaw.

Horseed Media