Waa sidee xaaladda magaalada Boosaaso kadib shaqaaqadii Isniintii ka dhacdey halkaas?.

Published: July 12, 2022
Bosaso magaalada ganacsiga ee Puntland

Xaaladda magaalada Boaaso ayaa deggan, shaqaaqadii ka dhacdey shalay ee socotey wax ka yar 20 daqiiqo ayaan saameyn ku yeelan guud ahaan magaalada.

Ganacsiga ayaa sidii caadiga ahayd u shaqeynaaya, ma jiraan wax ciidamo ah oo magaalada lagu arkaayo marka laga reebo Booliska iyo Taraafikada.

Garoonka Bosaso ayaa xaaladiisu caadi tahay, maanta oo kale oo Talaada ah wax duulimaad ah garoonku maleh, ma jiro duulimaadyada kale ee beri bilaamaya wax jadwalkooda iska beddalay.

Shaqaaqadii ayaan-darrada ahayd ee ay ku geeriyoodeen 12 qof ayaa socotey wax ka yar 20 daqiiqo, waxaana dagaalamay ciidamo Puntland ka wada tirsan.

Horsed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *