Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa markale si rasmi ah maanta uga furmay waddanka Jabuuti

Published: December 28, 2023

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa markale si rasmi ah maanta uga furmay waddanka Jabuuti, iyada oo madaxweynayaasha labada dhinac ay yeesheen kulan hordhac ah maanta.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti markii uu ka dagay Madaarka Caasimada Jabuuti, kadibna loo guda galay kulankii loo balansanaa, oo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda kasoo baxday madaxtooyada.

Qoraalka madaxtooyada ayaa intaa ku daray in kulankaa saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli  socdaan.

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo si goos goos ah u socday muddo ka badan 10 sanno ayaan laga gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo, waxana laga warsugaya hadii wax natiijo ahi kasoo bixi doonto kulankan.

Horseed Media