Wadamada kaymaha Amazon ee ku shiray Brazil oo ku heshiin waayey hal hadaf si loo joojiyo xaalufinta dhirta

Published: August 9, 2023

Siddeed waddan oo ah kuwa ku yaal kaymaha Amazon, ayaa ku heshiiyey siyaasado midaysan iyo tallaabooyin lagu xoojinayo iskaashiga shirkoodii Talaadadii shalay ka dhacay Brazil, laakiin waxay ku guuldareysteen inay ku heshiiyaan hadaf guud oo lagu soo afjarayo xaalufinta dhirta.

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva, oo shirkan marti geliyey, ayaa u ololeynayay in gobolka uu ku midoobo siyaasad midaysan oo lagu soo afjarayo xaalufinta dhirta marka la gaaro sanadka 2030.

Qodobada laga soo saaray shirkii shalay ka dhacay magaalada Belem ee Brazil ayaa waxaa ugu muhiimsanaa dhismaha isbahaysi lagula dagaallamayo burburinta kaymaha, iyadoo waddan walba gaarkiisa loogu daayo inay raacaan siyaasadooda u gaarka ah ee jarista dhirta.

Fashilka siddeedda waddan ee Amazon inay ku heshiiyaan hal siyaasad ama qorshe ay ku ilaalinayaan kaymahan muhiimka u ah isbeddelka cimilada caalamka, ayaa salka ku haya danaha dhaqaale ee dalalkaasi.

Saynis-yahanada caalamka ayaa sheegaya in madaxda caalamka ay si weyn uga gaabinayaan inay ka hortagaan xaalufinta dhirta iyo khayraadka dabiiciga ah oo loo aaneenayo isbedalka cimilada iyo heer kulaylka sare usii kacaya.

Horseed Media