Wadatashiga UN-ta iyo dalalka AMISOM ee xaalada Soomaaliya

Published: February 12, 2021

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii lasoo dhaafay wadahadal kula jiray Wasiirada Arrimaha Dibada ee dowladaha ciidamadooda ka tirsan yihiin AMISOM si ay arragtidooda uga dhiibtaan xaalada Soomaaliya iyo doorashada lagu murransan yahay.

Ambassador Swan ayaa qoraal uu ku baahiyey Twitter ku sheegay inay fursad wanaagsan u ahayd maalmihii lasoo dhaafay wadahadaladii uu la lahaa Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Ugandha, isagoo ugu mahadnaqay dalalkaasi qaabkii ay fikirkooda uga dhiibteen xaalada Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo gaar ahaan xafiiska UN-ta u qaabilsan Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jira sidii loo heli lahaa wadatashi kale oo lagu xaliyo murranka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku baaqay in 15ka bishan shir la isugu yimaado magaalada Garowe, hase yeeshee Puntland ayaa ku baaqday in shirkaasi uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayna goob-joog ka ahaadaan Beesha Caalamka.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa shirkoodii Khamiista ee shalay markale ku celiyey baaqooda ah in Saamileyda Siyaasada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay kasoo qeyb galaan shirkaasi oo ay sheegeen in ay muddan tahay in lagu qabto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *